Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo helay codadka ugu badan doorashoyinkii gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa noqday kan helay codadka ugu badan doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kaddib markii caawa lagu dhawaaqay natiijada  tirinta codadka.

Doorashooyinkan oo dhacay 5-tii Diseembar 2025, ayaa waxaa ku tartamay 20 urur siyaasadeed.

Sida ay muujinayaan natiijooyinka uu caawa ku dhawaaqay guddiga Doorashooyinka, Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa si weyn uga sarreeyay ururrada kale, isaga oo codad badan ka helay degmooyinka ay ka mid yihiin Wadajir, Hodan, Kaaraan, Warta Nabadda, Shibis, Xamarjajab, Xamarweyne, Boondheere, Dayniile, Yaaqshiid iyo Waabari.

Tirokoobyada guud waxay muujinayaan in ururkan uu helay kumannaan cod oo ka badan ururrada kale, taas oo u suurtagelisay inuu noqdo ururka hoggaaminaya kuraasta goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Natiijadan ayaa ka dhigan in urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helidoono kuraasta ugu badan xildhibaanada gobolka Banaadir.

Guddiga doorashooyinka oo laga sugayo inay soo shaaciyaan sida loogu kala guulaystay kuraasta Golaha degaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in inkastoo ay jireen codad xumaaday, haddana geeddi-socodka doorashada uu ahaa mid hufan.

Doorashooyinkan ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka shacabka ee dowladaha hoose ee dalka.