
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxdii hore ee qaranka oo haatan ah mucaaradka dowladda iyo siyaasiyiin kale.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ilaalinta qaranimada iyo midnimada dhuleed, isla markaana looga hadlay ka hortagga duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada Soomaaliya.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Kulankaan ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka Madaxdii hore iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee talo-siinta Dowladdiisa marxaladdan culus.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, isla markaana looga baahan yahay in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi iyo Culimada Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlay arrimaha qaranimada iyo wadajirka dalka. Kulamadaas ayaa sidoo kale la socda xiriirro khadka taleefanka ah oo uu Madaxweynaha la sameeyey Madaxda dalalka gobolka, kuwa caalamka iyo ururrada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo taageero ku aaddan xaaladda Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii Israaiil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax bannaan. Tallaabadan ayaa noqotay qarax diblumaasiyadeed oo kiciyay Soomaaliya iyo dalalka taageera midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, kuwaas oo go’aanka Israaiil ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya.