IGAD oo Taageertay Midnimada Soomaaliya, kana Soo horjeedsatay aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Xoghaynta Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in ururku uu kasoo horjeedo aqoonsiga Somaliland ee ay ku dhawaaqday Dowladda Israa’iil.

War-saxaafadeed ay soo saartay IGAD ayaa lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal xubin buuxda ka ah IGAD, isla markaana leh qaranimo buuxda, midnimo, iyo dhul si buuxda looga aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

Xoghayntu waxay si cad u sheegtay in tallaabo kasta oo aqoonsi hal dhinac ahi ay si toos ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Aasaaska Midowga Afrika, iyo heshiiska dhismaha IGAD.

IGAD ayaa ugu baaqday dhammaan beesha caalamka, saaxiibbada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha kale in ay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed oo horseeda nabad, xasillooni, iyo iskaashi waara oo ka hanaqaada gobolka.

Sidoo kale, Xoghaynta IGAD waxay mar kale muujisay garab istaaggeeda buuxa ee Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo carrabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed oo lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni, iyo barwaaqo waarta oo Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka xubnaha ka ah IGAD ay wada gaadhaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Jaamacadda Carabta, waddamada Masar, Jabuuti, Soomaaliya, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland.