Dowladda Falastiin oo si adag uga hortimid aqoonsiga Israaiil ee Somaliland

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Dowladda Falastiin ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u diiday aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda  ayaa lagu sheegay in mowqifka Falastiin uu waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah, go’aamada heshiiska Carabta iyo kan caalamiga ah, iyo go’aamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Waxa kale oo ay adkaysay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay lama huraan u yihiin sugidda amniga, xasilloonida, iyo nolol sharaf leh oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay Israa’iil awood gumeysi iyo qabsasho sharci-darro ah, isla markaana diiday tallaabo kasta oo dhiirrigelinaysa gooni-isu-taag ama wiiqaysa madaxbannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxay intaas ku dartay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo Israa’iil, oo ah quwad gumeysi, ay ku doonayso inay ku wiiqdo nabadda iyo amniga caalamiga ah—gaar ahaan amniga gobolka iyo kan Carabta—taas oo si cad uga hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qawaaniinta khasabka ah ee ku waajibinaya ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa sidoo kale xusuusisay in Israa’iil horay u adeegsatay magaca Somaliland iyadoo u soo jeedisay inuu noqdo meel loo raro Falastiiniyiinta si khasab ah, gaar ahaan kuwa ku nool Marinka Qasa. 

Waxay mar kale xaqiijisay diidmada buuxda ee Falastiin ee qorshe kasta oo barakicin qasab ah, sabab kasta ha loo adeegsadee, iyadoo ku tilmaantay arrin aan marnaba laga gudbi karin (khad cas), kana digtay la jaanqaadidda ama taageeridda soo jeedimo si weyn loo diiday.