
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Afhayeenka Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdifataax Faysal Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in lasoo gabagabeeyay tirinta dadkii codadkii ka dhiibtay doorashada goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir.
Afhayeen Cabdifataax Faysal Xuseen ayaa sidoo kale shaaciyay in natiijada rasmiga ah ee doorashadii Muqdisho ka qabsoontay Khamiistii la shaacin doono galinka hore ee maanta oo Sabti ah.
"Galinka hore ee maanta waxaan ku dhawaaqi doona natiijada doorashada shalay waxaa soo gabagaboobay tirinta codadkii la dhiibtay, waxaa maantana la shaacin doono natiijada sida loogu kala guuleystay doorashadaas oo ka dhacday 523 goobood" ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdifataax Faysal Xuseen.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka in doorashada ay u dhacday sharco ah, islamarkaana ay kor joog ka ahayeen ururada bulshada rayidka iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee doorashadan lagu wado in saacadaha soo socda ee maanta la shaacin doono natiijadeeda ayaa waxaa horay u qaadacay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda, kuwaas oo sheegay ineysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka baxda doorashada.
Geesta kale shacabka Soomaaliyeed ayaa doorashadan ka dhacday Muqdisho Khamiistii lasoo dhaafay u arka talaabo horay loo qaaday, maadama in ka badan 50 sano markii ugu horeysay dadka reer Muqdisho u dareeraan doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah oo ay ku tartameen ilaa 20 urur siyaasadeed.