Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Maamulka goboleedyada kala ah Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari ayaa si adag uga soo horjeestay go’aanka Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku sheegay inuu ku aqoonsaday Somaliland.

Warsaxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen afartan maamul goboleed ayaa si weyn waxay ugu cambaareeyeen go'aanka Netanyahu ee ah in Somaliland uu u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya.

Warsaxafadeedyada kasoo baxay maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle. Galmudug iyo Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in Somaliland ka mid tahay dhul Soomaaliyeed, islamarkaana aysan go’i karin dhulka iyo qarannimada Soomaaliya.

Maamuladaan ayaa sidoo kale qoraalada ay soo saareen ku cadeeyay iney si buuxdo u taageerayaan midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in dowladaha Caalamka  ixtiraamka madaxbanaanida dhuleed iyo xuduudaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago afartan maamul ee cadeeyay iney kasoo horjeedaan go'aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaa xusid mudan in wali dhankooda aysan ka hadlin xadgudubka Israa'iil kula kacday madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyaga horay u sheegtay iney yihiin dowladdo ka madax banaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.