
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Dowladaha Kuwait, Jordan, Ciraaq iyo Yemen ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay go’aanka Israa’iil ee ah in ay aqoonsato Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadan mid si cad uga hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa sheegtay in dalkaasi uu si buuxda u taageerayo madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo ku celiyay in go’aanka Israa’iil uu yahay mid aan la aqbali karin.
Dowladda Jordan ayaa sidoo kale bayaan kasoo saartay, iyada oo ku tilmaamtay aqoonsiga Israa’iil mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana jebinaya sharciga caalamiga ah.
Jordan waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay ka hortagaan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Ciraaq, oo hadda hoggaamineysa Jaamacadda Carabta, ayaa si adag u cambaareysay tallaabadan, iyadoo ku tilmaamtay mid khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ka hor imanaysa mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, Yemen ayaa ku biirtay dalalka kale ee cambaareeyay, iyada oo adkeysay muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah in ay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya sida ay dalalka Carabta uga soo horjeedaan qorshaha Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, iyaga oo ku baaqay ilaalinta sharcinimada caalamiga ah iyo midnimada Soomaaliya.