Golaha Wakiilada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiya aqoonsiga Israa'iil siisay Somaliland

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad  ah ku ansixiyey soona dhaweynayaan go’aanka Dawladda Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.

Qaraarkan oo ka soo baxay kulan ay yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiilladu, ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay tallaabo geesinimo leh oo ku salaysan mabda’, isla markaana calaamad u ah horumar weyn oo Somaliland ka gaadhay safarkeeda dheer ee ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah.

Golaha Wakiilladu waxa ay sheegeen in tallaabadan ay Israa’iil qaaday ay xoojinayso sharciyadda rabitaanka shacabka Somaliland, isla markaana ay muujinayso doorka Israa’iil kaga jirto garashada iyo aqoonsiga xaqa ummadaha doonaya is-maamul iyo madax-bannaani. 

Waxa kale oo qaraarka lagu xusay in Israa’iil hore u muujisay mowqif la mid ah 26-kii Juun 1960, markaas oo ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland ee xilligaas.

Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ixtiraamaan xaqa ay dadka Somaliland u leeyihiin aqoonsi iyo go’aan ka gaadhista mustaqbalkooda siyaasadeed, iyaga oo ku dhiirrigeliyey dalalka kale in ay raacaan jidka ay Israa’iil qaadday.

Sidoo kale, Golaha Wakiilladu waxa ay ka digeen faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Somaliland, taas oo ay sheegeen in ay dhaawacayso sharciga caalamiga ah iyo rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabka Somaliland. Waxay ugu baaqeen beesha caalamka in ay taageeraan dedaallada Somaliland ee ku aaddan xasilloonida, horumarka, iyo aqoonsiga rasmiga ah.

Ugu dambayn, Golaha Wakiilladu waxa ay bogaadiyeen hoggaamiyeyaashii iyo xukuumadihii Somaliland soo maray tan iyo 1991, iyaga oo ku tilmaamay in dadaalkooda, naf-hurnimadooda, iyo hoggaan wanaaggoodu ay Somaliland ka dhigeen meel dimuqraadi ah oo xasilloon, kana duwan guud ahaan gobolka.