
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo lagu xoreeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalada lagu xureeyay deegaanadan oo lagu magacaabo Seefta qarsoon ayaa lagu xureeyay deegaanada kala ah Galsalimow, Ceel salini, Galka jimcoy, Jabad ari, Cisman gurey, Halambe, Garas, Gawan iyo labada magaalo ee kala ah Dhanaane iyo Gandarshe, kuwaas oo dhamaantood ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgaladaan ay kusoo dhamaadeen si guul ah, isagoona ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida guulaha ay ka gaareen howlgaladan ay ku xureeyeen deegaanada muhiimka ah ee ku yaala wadada xiriirisa Marka iyo Muqdisho.
"Waxaan halkaan uga sheegaya shacabka Soomaaliyeed in ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan, gaar ahaan kuwa xoogga dalka iyo NISA guulo la taaban karo kasoo hooyeen howlgalo mudo laba todobaad ah ka socday inta u dhaxeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho, ayna ciidamadu ku xureeyeen deegaano badan, hadana ku hareersan yihiin tiro Khawaarij ah oo saaran meel buur ah oo ku taala xeebta degmada Gandarshe, islamarkaana ciidanku hadey isku soo dhiibi waayaan cagta la marin doono" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka Fiqi in ciidamada qalabka sida gacana kula dagaalamayeen maleeshiyaadka Al-shabaab gacana ay ku xaqiijinayaan amniga doorashadii Khamiistii ka dhacday magaalada Muqdisho.
"Qolyaha Mucaaradka ah ee lahaa ciidankii waa dhamaadeen oo hal guuto oo taaga. Ma jirto, waxaan leeyahay arka in ciidanku dhisan yahay oo gacana cadowga kula dagaalamayaan gacana amniga doorashada ku xaqiijiyeen, waa guul aanan qarsooneen" ayuu yiri Wasiir Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo doorashadii 25-kii bishaan ka dhacday Muqdisho amnigeeda ay si weyn u sugeen ciidamo gaaraya 10 oo askri oo loogu talo galay sugista amniga dadweynaha ka qeyb qaadanaayay codeynta doorashada goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir oo si nabdoon kusoo idlaatay.