









Talaado, December 16, 2025 (HOL) - Kismaayo, caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweysay wafdigii ugu horreeyay ee ka qaybgalaya shirka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo furo berri oo Arbaco ah, kuna beegan 17-ka bisha Diseembar.
Wafdiga maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaa hoggaaminayay xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, waxaana Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wasiir Maxamed Ibraahim Oogle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka uu socon doono muddo afar maalmood ah, laga bilaabo 17-ka ilaa 20-ka Diseembar.
Waxa uu xusay in shirka diiradda lagu saari doono dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo falanqaynta xaaladda siyaasadeed ee kala guurka ah ee uu dalku marayo.
Dhankiisa, Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid muhiim u ah marxaladda adag ee siyaasadeed ee Soomaaliya ku jirto.
“Maanta waxaan gaaray magaalada Kismaayo oo dhowaan uu ka furmi doono shirka dhammaystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Inta uu shirku socdo, waxaa laga arrinsan doonaa qodobo muhiim u ah xaaladda murugsan ee dalka,” ayuu yiri Koofi, isagoo uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta shirka.
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa tilmaamaya in maamulka Jubbaland uu si weyn u adkeeyay amniga iyo diyaar-garowga guud, maadaama la filayo in maalmaha soo socda ay magaalada gaaraan hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo hore xilal sare uga soo qabtay dowladda federaalka.
Xubnaha mucaaradka ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo ay si wadajir ah isugu imanayaan kadib muddo dheer oo wadatashi iyo is-xog-ogaal ah.
Inta lagu guda jiro shirka, ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo furan iyo kuwo albaabadu u xiran yihiin, kuwaas oo lagu lafa-guri doono jihada siyaasadeed ee dalka, caqabadaha dhanka dowladnimada iyo aragtidooda ku aaddan isbeddellada siyaasadeed ee socda.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa martigeliyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inta ay ku sugan yihiin Kismaayo, iyadoo shirka uu imanayo xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo xooggan iyo baahi loo qabo madal mideysa aragtida mucaaradka ee arrimaha qaranka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.