Maxay kawada hadleen Madaxweyne Laftgareen iyo Taliyaha Kulliyada Turksom?

Talaado, December 16, 2025 (HOL) -  Madaxweynaha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Kulliyada Tababarka Ciidamada Turkiga ee Turksom S/Gaas Sebahattin.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa kale ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed. 

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo barnaamijyada tababarka, kor u qaadista xirfadaha ciidanka iyo la wadaagidda khibradaha la xiriira sugidda amniga.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay doorka Dowladda Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo la-dagaallanka khataraha amni ee ka jira dalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid saldhig u ah nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Dhankiisa, Taliyaha Kulliyada Turksom S/Gaas Sebahattin ayaa muujiyey sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta ciidanka iyo adkeynta wada-shaqeynta amni.