
Talaado, December 16, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen hore degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj.
Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Geedi oo ku eedeysan dilka marxuum lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, kaasoo aanan wali la aasin meydkiisa kuna jira Firinjeer.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanahan si deg deg ah loo horkeeni doono cadaaladda.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu Degmada Dayniile ku dilay marxuum C/risaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj, eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warka kasoo saaray Taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.
Ninkan Booliiska uu soo bandhigay ayaa loo heysta dilka wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay in isaga iyo xaaskiisa dhawaan safar isugu diyaarinayeen dalka Mareykanka, maadama ay ka mid noqdeen kumanaan qof oo nasiibka u helay baqtiya nasiibka Lottery-ga oo ay Mareykanka sanad waliba fursad u siiyaan kumanaan qof oo ku kala nool daafa caalamka.