
Talaado, December 16, 2025 (HOL) - Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, ayaa walaac ka muujiyay qorshayaal la doonayo in goobaha waxbarashada sida dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha laga dhigo goobaha codbixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo ka digay in arrintaasi ay khatar ku tahay dhexdhexaadnimada waxbarashada iyo badbaadada ardayda.
War-saxaafadeed uu Midowga soo saaray wuxuu ku sheegay inay si dhow ula socdaan arrimaha siyaasadeed ee la xiriira hanaanka doorashooyinka, iyagoo dareensan isku-dayo isa soo taraya oo lagu doonayo in xarumaha waxbarashada loo adeegsado ujeeddooyin doorasho iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.
Midowga Jaamacadaha wuxuu ku tilmaamay tallaabadan “tusaale khatar ah” oo dhaawacaya madaxbannaanida hay’adaha waxbarashada.
Goobaha waxbarashada looma dhisin inay noqdaan fagaaro doorasho,” ayaa lagu yiri bayaan-ka, iyadoo la adkeeyay in dugsiyada iyo jaamacaduhu ay ahaadaan meel ka madax-bannaan siyaasadda, kuna go’an waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumar qaran.
Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed wuxuu sheegay in isticmaalka xarumaha waxbarashada ee doorashooyinka ay halis amni gelin karto ardayda, macallimiinta iyo maamulka, gaar ahaan marka la eego jawiga siyaasadeed ee nugul. Sidoo kale, ururku wuxuu ka digay in arrintani carqaladeyn karto jadwalka waxbarashada, dib u dhigi karto imtixaannada, isla markaana saameyn taban ku yeelan karto caafimaadka maskaxeed ee ardayda.
Midowga wuxuu xusay in hawlaha doorasho ee ka dhaca goobaha waxbarashada ay sidoo kale ku xad-gudbi karaan xuquuqda carruurta, maaddaama ay u nuglaan karaan cabsi, hanjabaad ama rabshado.
Midowga Jaamacadaha wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada inay si degdeg ah uga laabtaan go’aannada lagu doonayo in goobaha waxbarashada looga dhigo xarumo doorasho, isla markaana ay hay’adaha doorashooyinka raadiyaan goobo rayid ah oo aan carqaladeyn waxbarashada.
Waxay sidoo kale ka codsatay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha amniga inay qaadaan tallaabooyin cad oo lagu ilaalinayo dugsiyada iyo jaamacadaha inta lagu jiro xilliga doorashooyinka.