
Talaado, December 16, 2025 (HOL) - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay mar kale duqeyn cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya, xilli maamulka Trump uu sii wado duqeyihii ugu badnaa ee uu Soomaaliya ka fuliyo.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta la fuliyay 14-kii Diseembar, isla markaana lagu bartilmaameedsaday ururka al-Shabaab, meel qiyaastii 30 mayl dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo.
Taliska AFRICOM ma bixin faahfaahin kale oo ku saabsan duqaynta, maaddaama uu horraantii sanadkan joojiyay wadaagista xogta khasaaraha iyo qiimeynta waxyeellada rayidka.
“Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo ammaanka hawlgallada socda,” ayay AFRICOM ku tiri warsaxaafadeed.
Weerarkan wuxuu noqonayaa ugu yaraan duqeyntii 112-aad ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkan, taas oo ka badan 11 jeer tirada duqeymihii uu Mareykanku ka fuliyay dalka 2024.
Trump ayaa jabiyay rikoorka duqeymaha sanadlaha ah ee Soomaaliya, kaas oo Madaxweyne Trump uu dhigay xilligii ugu horreeyay ee uu xilka hayay sanadkii 2019, markaas oo ay gaareen 63 duqeyn.
Duqeyntii ugu dambeysay ayaa timid iyadoo ay jireen warar sheegaya khasaare rayid oo ka dhashay hawlgallo dhowaan ay fuliyeen Mareykanka iyo ciidamo uu taageero, kuwaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.
Toddobaadkii hore, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof oo rayid ah lagu dilay weerar lagu qaaday tuulo u dhow Muqdisho, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu Mareykanku tababaray.
15-kii Nofeembar, duqeymo cirka ah oo Mareykanku fuliyay iyo ciidamo dhulka ah oo Soomaali ah oo uu taageero Mareykanku ayaa bartilmaameedsaday tuulada Jamaame oo u dhow Kismaayo.
Weerarkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jireen toddoba carruur ah, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Drop Site News.
Mareykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka wada gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo in ka badan kala bar duqeymaha Mareykanka ee sanadkan laga fuliyay. Mareykanku wuxuu taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.