
Talaado, December 16, 2025 (HOL) - Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka qeyb geli doonin tartanka kubadda cagta Dowlad Goboleedyada dalka, iyagoo sabab uga dhigay maamul-xumo, isla xisaabtan la’aan iyo taageero la’aan ay ku eedeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug ayaa si cad ugu eedeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiino, inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii shaqo, isla markaana uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku maamulo tartanka heer qaran.
Waxay sheegeen in Cali Shiino uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd horyaalada iyo tartamada kala duwan, sidoo kalena uu warbaahinta ka sheegay eedeymo aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan in maamul goboleedyadu aysan wax taageero ah siin xiriirrada ka dhisan.
Dhinaca kale, Maamulka Jubaland ayaa isna si rasmi ah u diiday ka qeybgalka tartankan, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan), uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uusan siin wax taageero farsamo ah, sida tababaro, qalab sports iyo horumarinta ciyaartoyda.
Wuxuu xusay in ka qeybgalka tartan aan lagu dhisin cadaalad iyo wada-shaqeyn dhab ah uusan dan ugu jirin Jubaland.
Dhanka Koonfur Galbeed, Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa lagu xaqiijiyay go’aanka qaadacaadda, Warsaxaafadeedkaas ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu, iyada oo kaashanaysa Xiriirka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ay go’aansatay inaanay ka qeybgelin tartanka sababo la xiriira hufnaan la’aan, is-maandhaaf maamul iyo in aan la helin hannaan cadaalad ah oo lagu maamulo tartanka.
Sidoo kale warsaxaafadeedka Koonfur Galbeed ayaa lagu adkeeyay in wasaaraddu mar walba garab taagan tahay horumarinta isboortiga, dhiirrigelinta dhallinyarada, iyo ka qeybgalka tartamada mustaqbalka marka la helo nidaam hufan, isla xisaabtan iyo wada-shaqeyn dhab ah oo u dhaxeysa Xiriirka Qaranka iyo dowlad goboleedyada.
Go’aanka ay wada gaareen Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen dooddo xooggan oo ku saabsan hannaanka maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, taasoo dhalisay su’aalo badan oo la xiriira mustaqbalka tartamada heer dowlad goboleed iyo kalsoonida ciyaaraha dalka.