Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa shir jaraa'id oo uu goordhaw qabtay ku faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay howlgalo culus oo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Afhayeenka ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen Shalay iyo maanta deegaanada kala ah Beera Yabaal, Caddow Gurey iyo kuwa kale oo ku yaala Jiinka Wabiga Shabeelle in lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
“In ka badan 40 Al-shabaan ah ayaa lagu dilay howlgallada ay ciidamada ka wadaan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beera yabaal iyo meelo kale, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo tiro beel ah oo ay kooxdu ilaa shalay aruursaneysay howlgalada barakeysan wali way socdaan waxaana deegaanadii lagu dagaalamay dhamaan gacanta ku haaya ciidamada iskaashanaya” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.
Hadalka afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay dagaalo aad u culus ay dhexmareen ciidamada is garabsanaya iyo kuwa Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay isku aruursanaayay inta u dhaxeysa degmooyinka Buula burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee kusoo dhacaya warqabadka HOL ayaa sheegaya in galabta xaalad deganaasho ah ay ka jirto goobahii lagu dagaalamaayay Shalay iyo galinkii hore ee Maanta, inkastoo mar waliba la filan karo dagaalo dib uga dhex qarxi kara ciidamada huwanta ah iyo kooxda Al-shabaab.