Hiiraan Online
1/30/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2025
Midowga Yurub oo sheegay in Guddiga Doorashada Soomaaliya kala hadleen qabashada Doorasho loo dhan yahay
Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya haweeyneeda lagu magacaabo Karin Johansson oo shalay la kulantay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdiikariin Axmed Xasan ayaa waxa ay kawada hadleen u diyaar garowga Doorashada Soomaaliya iyo shaqada Guddiga ay wadaan.
War kooban oo lagu soo daabacay barta X ee Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya in Safiir Karin Johansson ay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada kala hadashay inay qabtaan Doorasho loo dhan yahay oo ka micno ah mid ay Soomaali dhan isku waafaqsan yihiin.
Karin Johansson ayaa muujisay sida Midowga Yurub uu diyaar ugu yahay inay Guddigaan la shaqeeyaan balse doorashadu ay noqoto mid loo dhan yahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddigaan Doorashada waxa ay u xilsaartay in ay Guud ahaan dalka ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod iyadoo la ogsoon yahay in Dowladda uu khilaaf dhinaca siyaasadda kala dhaxeeyo Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Kulankaan Guddiga Doorashada waxa ay ku micneeyeen mid ay Midowga Yurub ay kala hadleen sidii taageeri iyo garab istaag ay uga heli lahaayeen Midowga Yurub si ay u qabtaan Doorashada Qof iyo Codka, halka barta Safaarada EU dana lagu soo daabacay in dhinacyada kawada hadleen in Doorasho loo dhan yahay la qabto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa bartiisa X kusoo qoray inay qadarinayaan kulanka Safiirka iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhexmaray waxaana uu ku tilmaamay mid xoogga lagu saarayay hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod ah, Wasiirka ayaa xusay in Kulankan uu ka dhigan yahay tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka ka gudubka qaab-dhismeedyada xaddidan ee hor-istaagay horumarka Soomaaliya 25-kii sano ee la soo dhaafay.