Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa xabsi u dhexeeya 5 illaa 10 sano ku xukuntay Maxamed Yacquub Siyaad iyo Cali Axmed Cali (Iley) oo kamid ah dadka caanka ah baraha bulshada.
Sida ay maxkamaddu shaacisay, Maxamed Yacquub Siyaad ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Cali Axmed Cali (Iley) lagu xukumay 5 sano xabsi ah.
Labadan nin, ayaa lagu soo eedeeyay inay baraha bulshada ka taageereen kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay bulshada la wadaageen warar marin habaabin ah oo u adeegaya danaha kooxda Daacish, dhabar jabna ku ah howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad.
Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka lagu riday labada eedeysane iyagoo maqane ah, maaddaama ay ku sugan yihiin dalalka Germany iyo Sweden.
Xukunkan ayaa noqonaya markii ugu horraysay oo Puntland ay xukunto dad lagu eedeeyay inay baraha bulshada ka taageeraan kooxda Daacish.
Puntland ayaa dhawaan ku goodisay inay tallaabo cad ka qaadayso cid kaste oo baraha bulshada ku faafisa warar lid ku dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish.