1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2025
Puntland oo mamnuucday dhibaateynta ajaanibta ku sugan degaanadeeda
 

Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Puntland ayaa shacabka degaannadeeda ka mamnuucday inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan Puntland.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlayay weriyayaasha, ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay maamulka iyo ciidamada amniga uga dambeeyaan howlgallada ka dhan ka ah ajaanibta si sharci darrada ah ku jooga Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku gooddiyey in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan shacabka oo la arko iyadoo dhibaato u geysanaysa qof ajnebi ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii dad shacab ah oo caro joogitaanka ajaanibta ay magaalada Garowe ku bartilmaameedsadeen ajaanibta Itoobiyaanka, iyagoo tacaddiyo jirdil ah u geystay.

Dhinaca kale, Puntland ayaa xabsiyada u taxaabtay boqolaal muhaajiriin ah oo sharci la’aan ku joogay degaannadeeda.

Maamulka ayaa sheegay inay ka welwelsan yihiin ajaanibta ku biiraysa kooxaha argagixisada sida Daacish, kuwaas oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland.