Talaado, January 28, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa kusoo waramaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee Jubbaland u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland isla markaana loo heysta la shaqeynta Kooxda Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo sheegay in dhinacyada Dacwada ay u furan tahay soo bandhigista Dacwadooda ku aadan eeda loo heysto Mukhtaar Cabdi Aadan.
Maxkamadda waxaa la horkeenay eedaha ninkaani lagu haysto, Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Al shabaab uu soo bilaabay Sanadka 2021-kii Waxa uuna u qaabilsanaa gudbinta xogaha Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland sida barista kiiskaan ay ku ogaadeen Xafiiska Dambi barista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.
Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanaha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.