Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somalia oo Maanta u Ambabaxay Magaalada JIGJIGA


Arbaco, August 10, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jigjiga oo ah Caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ee magaalada Jigjiga ayaa ah midkii ugu horreeyay, waxaana la filayaa inuu kulammo la yeesho Madaxda Dowlad-deegaankaasi Soomaalida.

Wafdiga Madaxweyaha Soomaaliya, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyay Madax ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u booqday magaalada Jigjiga, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay madaxda Maamulkaas.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya