Shir dalalka Bariga Afrika ay ku yeelanayeen istaraatiijiyad looga hortagaayo xagjirnimada oo lasoo gabagabeeyay

Arbaco, Agoosto 10, 2016 (HOL)-Shir socday dhowr maalmood oo dalalka Bariga Afrika ay ku doonayeen inay ku samaystaan istaraatiijiyad looga hortagaayo xagjirnimada rabshada leh ayaa lagu soo gabagabeeyay Nairobi Kenya.

Shirkaa oo ka furmay Nairobi dhowr maalmood ka hor ayaa shalay galab lasoo gabagabeeyay. Istaraatiijiyada ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona in dhallinyarada gobolka shaqooyin lasiiyo si aysan kooxaha lagu tilmaamo xagjirka aysan ugu biirin.

UNDP ayaa shirkaa qabatay wuxuuna kusaabsanaa sidii loo yareyn lahaa ama loo cirib tiri lahaa  xagjirnimada rabshada leh (CVE).

Shirkaa ayaa waxaa bara taarayay ururka IGAD. Waxaa kasoo qeybgalay saraakiil sarsare oo kasocday dawlada Kenya iyo dawladaha gobolka oo Soomaaliya ka mid tahay, ururo aan dawli ahayn iyo deeqbixiyeyaal, iyo hayadaha  kale ee QM kasokow UNDP oo ayadu soo qabanqaabisay shirkaa.

Waxaa kaloo kasoo qeybgalay wakiilo ka socday dalalka Tanzania oo aan IGAD asagu xubin ka hayn balse daris ah iyo Algeria iyo dalal kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.