Guddiga doorashooyinka guud ee heer dawlad gobolleed oo la magacaabay

Arbaco, Agoosto 10, 2016 (HOL)-Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe magacawday guddiga doorashooyinka ee heer dawlad gobelleed.

Guddigaa ayaa loogu tala galay inuu qabto doorashooyinka ka dhici doona dawlad gobolleedyada kala duwan ee dalka ee nidaamka federaaliga ah qeybta ka ah.

Raisul Wasaare Cumar C/Rashiid ayaa magacaabay guddigaa shalay galab. Wareegto kasoo baxaday xafiiskiisa ayaa sidaa lagu xusay.

Dawlad gobolleedyada kala duwan ee dalka ayaa guddigaa xubnihiisa lagu magacaabay wareegtadaa shalay soo baxday ayadoo xubnaha dawlad gobolleed walba lagu xusay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]