
Arbaco, August 10, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ogolaaday soo jeedinta magacaabista Wasiir-u-dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo dhawaan xilka loo magacaabay.
Magacaabista Jen. Muun-gaab waxaa soo jeediyay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. Waxaana Madaxweyne Xasan uu sheegay inuu Tix-geliyay si rasmi ahna u ogolaaday soo jeedintaas oo dhaqan-gashay shaley oo ay taariikhdu ku beegnayd 09-ka August, 2016-ka.
Sidoo kale, Jen. Xasan Muun-gaab ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho intii u dhexeysay February 2014-kii illaa October 2015-ka.
Ugu dambeyn, Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia intii u dhexeysey August, 2010-kii illaa February 2014-kii, isagoo sidoo kale isla Maxkamaddaasi ka soo noqday Garsoore.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya