Madaxweynayaasha Waddamada Ruushka iyo Turkiga oo kala Saxiixday Heshiisyo kala duwan


Arbaco, August 10, 2016 (HOL) — Madaxweynayaasha Turkiga, Recep Tayip Erdogan iyo Ruushka Vladamir Putin ayaa kala saxiixday Heshiisyo kala duwan, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Kulanka ayay labada madaxweyne uga hadleen sidii ay xiriirkooda u xoojin lahaayeen, kaddib markii uu xumaaday dabayaaqadii sannadkii hore ee 2015 markaasoo ciidamada cirka Turkiga ay soo rideen diyaarad kuwa dagaalka ah oo uu lahaa Ruushka.

Sidoo kale, kulankan ayuu madaxweynaha Turkiga Erdogan ka sheegay inuu xiriirka labada waddan uu hadda ka wanaagsan yahay sidii horay uu u ahaan jiray, uuna rajeynayo inuu sii xoogeysto.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa wuxuu isagana sheegay in kulankooda uu kusoo dhamaaday miro-dhal ayna isku afgarteen arrimo aad u badan oo dan u ah labada waddan.

Ugu dambeyn, heshiiska ay labada Waddan kala Saxiixdeen, ayaa wuxuu ahaa intiisa badan dhanka ganacsiga, iyadoo la xusuusto in Ruushka iyo Turkiga uu ka dhexeeyo ganacsi ballaaran.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya