Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay xubinimada baarlamaanka ee Minnesota

Arbaco, Agoosto10, 2016 (HOL)-Ilhaan Cumar ayaa kuguuleysatay xubinimada baarlamaanka ee dobolka Minnesota, dalka Mareykanka.

Soomaali badan ayaa kunool gobolkaa asagoo Minnesota uu yahay gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan marka loo barbar dhigo gobolada kale ee dalkaa.

Ilhaan ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee xubin ka noqota aqalkaa iyo weliba gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah ee aqalkaa xubin ka noqota abid.

Ilhaan Cumar ayaa kursigaa u tartamidiisa  uga badisay Phyllis Kahn oo muddo dheer aqalkaa xubin ka ahayd iyo weliba Tom Hackbarth.

Soomaali badan ayaa gabadhaa u codeeyay iyo waliba dadka Muslimiinta ah iyo weliba dadyow kale. Ilhan ayaa Mareykanka soo gashay ayadoo kasoo haajirtay Soomaaliya waqti dheer ka hor. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]