
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo caawa jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka Soomaaliyeed, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka ay qaadday Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida dalka, isagoo sheegay in Somaliland ay marar badan ka leexatay fursado wadahadal oo lagu gaari lahaa xal siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maamuladii kala dambeeyay ee Somaliland ay ka gaabiyeen ka faa’iidaysiga wadahadallo horseedi karay lahaa midnimo iyo is-afgarad qaran, islamarkaana ay qaadeen waddooyin sii kala fogeeyay dadka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in dowladda federaalku marar badan ku celcelisay in arrimaha la xiriira khilaafka siyaasadeed ay yihiin kuwo u dhexeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, laguna xallin karo oo keliya wadahadal.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay heshiiskii is-afgarad (MOU) ee Somaliland ay la gashay Ethiopia, isagoo ku tilmaamay mid lama filaan ah, xilli ay socdeen wadahadallo kale, taasoo uu sheegay inay sii fogeysay rajadii xal siyaasadeed. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Hargeysa inuu aad ugu nugul yahay faragelin shisheeye, gaar ahaan isku day kasta oo la xiriira raadinta aqoonsi dibadeed.
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu si kulul u diiday wax kasta oo ka hor imaanaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay dal madax-bannaan oo aan lagu kala goyn karin warqad ama saxiix dal shisheeye. Wuxuu sheegay in isku dayada aqoonsi raadinta aysan dan u ahayn shacabka ku nool waqooyiga dalka, balse ay adeegayaan dano shisheeye oo halis ku ah amniga gobolka Geeska Afrika, Badda Cas iyo Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa u diray farriin gaar ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga dalka, isagoo xusay in aqoonsi dhab ah uu ka imaan karo oo keliya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ay wadaagaan diin, dhaqan iyo dalnimo. Wuxuu ku booriyay hoggaanka Hargeysa inay dib u milicsadaan waayo-aragnimada caalamiga ah ee muujinaysa in kala go’ lagu gaaro oo keliya heshiis siyaasadeed oo ay labada dhinac ku qanacsan yihiin. Isagoo soo hadal qaaday tusaalooyin caalami ah sida Koonfur Suudaan, Eritrea, East Timor, Taiwan iyo Catalonia, madaxweynuhu wuxuu sheegay in aqoonsi caalami ah uusan suurtagal noqon karin haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo ay wada oggol yihiin dhinacyada ay khusayso.
Xasan Sheekh ayaa mar kale adkeeyay in dowladda federaalku diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah si loo helo midnimo qaran, isagoo sheegay in wax kasta oo suuragal ah loo hurayo midnimo iyo dowladnimo wadajir ah.
Wuxuu ugu dambayn mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sida ay uga dhiidhiyeen tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah dalka, wuxuuna sidoo kale mahadcelin u jeediyay beesha caalamka iyo ururrada caalamiga ah ee taageeray midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.