
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Wasiiro ka tirsan dalalka Carabta iyo Islaamka, oo ay wehliso Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee ku tagay Hargeysa iyaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah islamarkaana si weyn u jebisay madax-bannaanida Soomaaliya.
Bayaanka waxaa ku saxiixan wasiiro ka tirsan dalalka: Masar, Aljeeriya, Bangaladesh, Jasiiradaha Comoros, Jabuuti, Gambia, Indonesia, Iiraan, Urdun, Kuwait, Liibiya, Maldives, Nigeria, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen, iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka.
Wasiiradaan ayaa bayaanka ku caddeeyay in booqashadan Israa’iil ay si cad u xad-gudubtay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaalinta midnimada iyo nabadgelyada dhulkeeda, sidoo kalena ay carqaladeynayso shuruucda caalamiga iyo Qaanuunka Qaramada Midoobay.
Waxay sidoo kale dib u cusbooneysiiyeen diidmada ay ka qabaan aqoonsiga ama taageeridda ajandayaasha gooni u goosadka ah ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka.
Bayaanku wuxuu tilmaamay in dhiirrigelinta dhaqamada gooni u goosadka ah ay tahay arrin aan la aqbali karin, maadaama ay khatar ku tahay kordhinta xiisadaha gobolka oo horey u jilicsanaa, isla markaana waxaa la xusay in ixtiraamka sharciga caalamiga iyo ka-hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka madax-bannaan ay yihiin tiirarka muhiimka u ah sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale, wasiirada ayaa bogaadiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu dadaalayso wada-shaqeyn nabadeed iyo mida diblomaasiyadaa dhiseysa, iyagoo ku adkeeyay in tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo sharciyeed ee Soomaaliya qaadayso ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, nabadgelyadeeda, iyo xasilloonida guud, si waafaqsan sharciga caalamiga.
Ugu Dambeyn wasiiradaan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, ilaalinta dhulkeeda, kana laabato go’aankeeda ku saabsan aqoonsiga “Somaliland".