
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Dowladda Israa’iil ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay waddamo kale ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland, kaddib markii ay Israa’iil toddobaadyo ka hor noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Arbacadii khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, isla markaana ay ka wada hadleen arrinta aqoonsiga Somaliland. Sida xogtu muujinayso. Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in laga yaabo in Hindiya ay noqoto waddanka xiga ee aqoonsada Somaliland.
Israel Hayom ayaa sheegtay in Hindiya oo ah saaxiib istaraatiiji ah oo Israa’iil kala shaqeeya ganacsiga iyo amniga, ayaa dan weyn ka leh in ay hesho saldhig istaraatiiji ah oo ku yaalla xeebaha ka soo horjeeda marin-biyoodka Bab al-Mandab. Ganacsiga Hindiya ee ku wajahan Yurub ayay si weyn u saameeyeen weerarrada ay Xuutiyiintu ka wadaan Gacanka Cadmeed, taasoo kordhisay muhiimadda ay Somaliland u leedahay New Delhi.
Intii uu socday wadahadalka Netanyahu iyo Modi, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada, horumarinta marinnada ganacsiga, isgaadhsiinta, iyo iskaashi dhinaca tiknoolajiyada millatariga.
Dhanka kale, wargeyska Israel Hayom ayaa daabacay in Israa’iil ay wadahadallo la leedahay waddamo kale oo danahoodu la mid yihiin kuwa Israa’iil, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, oo hore u saxiixday is-afgarad ay la gashay Somaliland, iyo Kenya, oo wajahaysa khataro amni oo uga imanaya kooxaha Islaamiga ah ee saldhigyada ku leh Soomaaliya.
Dhammaadkii bishii hore ayay Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, taasoo ka dhigtay waddankii ugu horreeyay ee dunida sameeya tallaabadan. Toddobaadkan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa booqasho ku tagay Hargeysa, si uu u xoojiyo aqoonsiga Israa’iil, booqashadaas oo dhalisay cadho iyo falcelin caalami ah.
Go’aanka Israa’iil ayaa la sheegay inuu salka ku hayo tixgelinno istaraatiiji ah, maadaama Somaliland ku taallo mid ka mid ah marinnada maraakiibta adduunka ugu muhiimsan. Xilli ay socdaan weerarrada Xuutiyiinta iyo loollanka quwadaha waaweyn, Badda Cas ayaa noqotay goob muhiim u ah amniga qaranka Israa’iil, iyadoo cidda gacanta ku haysa marinadaasi ay saamayn toos ah ku yeelanayso ganacsiga, tamarta iyo ammaanka badda.
Israa’iil ayaa muujisay doonisteeda inay door muuqda ka qaadato qaabeynta mustaqbalka amni iyo ganacsi ee Geeska Afrika.