
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Warbixinno cusub ayaa muujinaya in kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo loo yaqaan Xuutiyiinta, ay sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin labada kooxood ee hubeysan ee Soomaaliya ka dagaallama: Al-Shabaab iyo Daacish Soomaaliya (IS Soomaaliya).
Khubaro amni iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in xiriirkan uu keeni karo in kooxahaasi helaan hub casri ah, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee drones-ka, kuwaas oo Xuutiyiintu si ballaaran ugu adeegsadeen weerarro ay ka fuliyeen Badda Cas.
Ilaa hadda, Al-Shabaab waxay drones-ka u adeegsan jirtay kormeer iyo xog ururin, balse kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in kulammo dhacay 2025 ay Al-Shabaab ka codsatay Xuutiyiinta hub horumarsan iyo tababar, taas oo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah.
Xeebaha dhaadheer ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara tahriibinta hubka iyo qalabka milatari, taas oo sahleysa in qalab iyo tignoolajiyad casri ah ay gaaraan kooxaha hubeysan.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Carnegie Endowment ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliya ay noqdeen marin muhiim ah oo sahayda Iran ay ku gaarto Xuutiyiinta, isla markaana ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan ee gudaha.
Khubaradu waxay sheegayaan in faafitaanka drones-ka dagaalka uu si weyn u beddeli karo habka dagaalada, isla markaana uu kordhin karo khatarta ku wajahan shacabka, ciidamada ammaanka iyo kuwa nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Inkasta oo qoryaha fudud ay weli yihiin hubka ugu badan ee laga adeegsado Soomaaliya, haddana adeegsiga drones-ka dilka ah ayaa loo arkaa halis cusub oo saameyn ku yeelan karta ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay dagaalkii ay Puntland sanadkii hore la gashay Daacish, kaasoo kooxda Daacish ay si weyn u isticmaalaysay diyaaradaha Droneska ee qaraxyada lagusoo xiro.
Ciidamada Ammaanka Puntland oo taageero ka helayay Dowladaha Imaaraaatka iyo Maraykanka ayaa ku qasbanaaday inay wax ka wax beddelaan xeeladda dagaalka, iyagoo la yimid qalab ka caawiyay in lagu xakameeyo Droneska.