
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay in la musuq maasuqay raashin ku keydsanaa Bakhaar Hay’adda WFP ku leedahay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in raashinka uu yaalo goob amaan ah, islamarkaasna balaarin lagu sameynayo Bakhaarada Dekadda weyn ee Muqdisho.
“Dowladda waxay caddeynaysaa in agabka ay wali ku jiraan gacanta Hay’adda Cuntada Adduunka WFP, waxaana qeyb ka ah gargaar uu ku deeqay Mareykanka, bakhaarka WFP ee su’aashu ka taagan tahay wuxuu ku yaalla Dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo balaarin ah” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa cabashada soo yeertay iney baaritaan dib u eegis ah ku sameyneyso howlaha balaarinta.
"Iyadoo laga jawaabayo cabashooyinka laga soo sheegay hawlaha balaadhinta dekedda, dawladda federaalku waxay sii waddaa inay dib u eegis ku sameyso arrintan iyada oo loo marayo guddiga farsamada ee hay'adaha iyada oo la kaashanaysa hay'adaha samafalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaankeeda ku cadeysay in si buuxda uga go'an tahay mabaadi'da bani'aadamnimada, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka, islamarkaana ay qiimeyneyso iskaashiga ay la leedahay Mareykanka iyo dhamaan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah.
Ugu dambeyntii warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadeya, iyadoo Mareykanka uu maanta ku dhawaaqay inuu joojiyay dhamaan gargaarkii bini'aadanimo ee uu siin jiray Soomaaliya.