1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 30, 2025
Somaliland oo Imaaraadka Carabta kala hadashay soo saarista shidaalka iyo macdanta
 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa Imaaraadka Carabta kala hadashay soo saarista shidaalka iyo macdanta Somaliland, iyo sidoo kale maalgelinta beeraha iyo xoolaha.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay safar ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa. Wafdigu waxa uu kulamo la yeeshay madaxda Imaaraadka, kuwaas oo diiradda lagu saaray maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga, ayaa sheegay in ay la kulmeen Madaxweyne Ku-xigeenka, Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, iyo wasiirrada Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, iyo Shaqo-galinta ee Imaaraadka, iyo sidoo kale lix hay’adood oo dowladeed.

"Waxaanu madaxda Imaaraadka kala hadalnay horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga xoolaha iyo beeraha, iyo sidii dowladda Imaaraadku ay u maalgelin lahayd khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, oo ay ka mid yihiin macdanta iyo shidaalka," ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in kulamadaasi ay guul kusoo dhammaadeen, isla markaana dowladda Imaaraadka Carabtu ay diyaar u tahay inay maalgashi buuxa ku samayso Somaliland. Waxa kale oo uu xusay in ay ka wada hadleen sidii loo heli lahaa mashaariic shaqo-abuur u noqda dhalinyarada.

"Guud ahaanba safarkaasi waxa uu kusoo dhammaaday jawi aad u wanaagsan, waxaana noo ballansan in xidhiidhkii uu si degdeg ah usii socdo. Waxaadna dhawaan arki doontaan wafdiyo isdaba joog ah oo ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ah maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland, iyada oo lacag ka badan 400 oo milyan oo dollar ku maalgelisay dib u dhiska Dekedda Berbera.