1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 30, 2025
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafada Kooshin, gaar ahaan laanta Nuur xawaad xili uu kusii jeeday hoygiisa, sida ay HOL u sheegeen ilo ku sugan xaafada Nuur xawaad.

Askariga la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga dhex yaqiinay Baledweyne ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan baroow, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii fulisay dilkiisa oo horayna u sii qaatay qorigii uu watay askariga.

Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysay dilka askariga oo loo badinayo iney ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Baledweyne oo ku aadan dilka askariga.

Ugu dambeyntii dilka askarigaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Baledweyne mudooyinkii lasoo dhaafay aysan ka dhicin dilalka noocaan oo kale ah ee lagu beegsado askarta iyo dadka kale ee waxtarka u leh bulshada.