1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 30, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay inay wad hadlaan Dowladda iyo Fallaagada Congo
 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa ku baaqay in si sharuud la'aan ah loo joojiyo colaada ka jirta wadankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo, isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Shirkaan ayaa u qabsoomay habka fogaan araga waxaana ay Madaxda dalalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Dalka Congo waxaa maara loo la'yahay Fallaagada M23 kuwaasi oo dagaalo xoogan kawada bariga dalkaasi si lamid ah waxa ay boobayaan ayna gubayaan hantida dadka shacabka ah.