1/30/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 30, 2025
Dowladda Fedaraalka oo saartay digniino adag oo ku socda hay'addaha Maxaliga iyo kuwa Caalamiga ah
 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro culus oo ku socda hay'addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka howlgala guud ahaan dalka.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu amaray dhamaan hay'ddaha Maxaliga iyo Caalamiga ah ineysan la macaamili karin kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana aysan wax  dhaqaale ah ugu yaboohi karin.

Amarka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay'addii ama NGO-gii lagu helo la macaamilka Al-shabaab iyo Daacish in lagala noqon doono Shahaadada ruqsadsiinta.

Ugu dambeyntii digniintaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmo kooban ka hor Wasaaradaha kala ah Diinta iyo Ganacsiga ay soo saareen digniino noocaan oo kale ah oo la xiriirta inaan lala macaamili karin oo aan loo hoggaansami karin awaamirta Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka oo  dhameystiran:-