5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
shir5.jpg

Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.

Kulankan oo intiisii badnaa ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa lagu lafa guray sidii loo dhammaystiri lahaa tallaabooyinka ka harsan Roadmapka iyo qabashada doorashooyinka dabayaaqada bishan.

Ka hor inta uusan kulanku bilaaban ayay Clinton hadal kooban jeedisay, iyadoo  sheegtay in ay kala hadlayso madaxda Soomaalida soo afmeerida ku meel gaarka iyo sidii ay Soomaaliya u yeelan lahayd dawlad dhammaystiran.

Kadibna waxay kulan socday saacad ku dhawaad la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida, sida: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka Ahlu Sunna C/qaadir Macallin Nuur.

shir3.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulanku markuu dhammaaday kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday.

Sheekh Shariif ayaa beeniyay inay jirto wararka sheegaya in cadaadis uu Maraykanku saarayo hogaamiyayayasha magacyadoodu ay ku jiraan liiska qaramada midoobay ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa.

Waxaana sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah kulankii maantay ay Hillary Clinton ku ballanqaaday inay Soomaaliya ka taageerayaan ka bixitaanka kumeel gaarka.

Clinton ayaa sidoo kale hogaamiyayaasha Soomaalida ku boorrisay inay ku soo afjaraan dhammaan arrimaha dhiman gudaha bishan August, iyadoo sidoo kalana codsatay in aan lagu xadgudbin qoondada haweenka loogu talagalay inay ka helaan awood qaybsiga dalka ee lagu qeexay Roadmapka, taasoo siinayso 30%.

shir4.jpg
shir2.jpg
shir.jpg
shir6.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
8/4/2012 6:10 PM EST
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.

8/4/2012 9:24 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qabsoomi la’aanta Doorashooyinka golaha deegaanka ku eedeeyey madaxweynah Somaliland, maadaama oo ay waajib ku tahay buu yidhi inuu suurtogaliyo dhicitaanka doorashaddaasi.

8/4/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xidhibaanada inay ugu dambeyn berri oo Axad ah soo gudbiyaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

8/4/2012 8:00 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.

8/4/2012 7:35 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.

8/4/2012 7:26 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.

8/4/2012 7:16 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.

8/4/2012 7:07 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

8/4/2012 5:51 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.

8/4/2012 4:55 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.

8/4/2012 3:50 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganactada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.