4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.

Goob-jooge ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in xalay saqdii dhexe laga maqlayay xaafadaha Guulwade, Dalcada iyo Majaangoo daryanka madaafiic culculus oo ka dhaceysay deegaanada dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, iyadoona aan la ogeyn cid uu u dhexeeyay iska horimaadka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

"Madaafiic culus ayaa la maqlayay xalay oo dhan, waxayna ka dhacayeen dhanka Buulo-xaaji, mana garaneyno waxay ahaayeen," ayuu goob-jooguhu ku sheegay hadalkii uu siiyay HOL.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay xalay lasoo darastay cabsi aad u ballaaran, iyagoo ka walaacsanaa in rasaasta ka dhaceysay duleedka Kismaayo ay kusoo fido magaalada.

Ilaa imika lama garanayo cida uu u dhexeeyay iska horimaadaka ka dhacay duleedka Kismaayo, waxaana inoo suurogeliweysay in aan faahfaahin kahelno masuuliyiinta Al-shabaab iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada dowladda KMG, kuwa Raasaakaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa ku sugan Degmooyinka Baadhaadhe iyo Afmadow, waxaana saraakiisha hogaamineysa ciidamada huwanta ah ay sheegeen in ay ka go'antahay in ay weerar ku qaadaan magaalada Kismaayo oo ay ku xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya