
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.
Guusha Mo Farah ee London Olympics 2012 ayaa waxay tahay mid taariikhi ah oo weliba u si gaar ah taariikh ugu ah Britain iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale guusha Mo Farah ayaa waxay farxad iyo maamuus u tahay dadka Soomaaliyeed ee walba oo ay dunida ka joogaan.
Mo Farah oo intii orodkan billowdayba meel dhexe kaga jiray tartanka ayaa wuxuu soo tiigsaday hoggaanka markii ay tartanka ka harsan masaafo dhan 450 mitir oo kaliya, wuxuuna u awood sheegtay dhammaanba orodyahannadii kale ee la tartamayay, kuwaasi oo iyagu isu heystay in ay ku guuleysteen tartanka.
Markii uu soo gebageboobay tartanka orodka 10,000 ayaa waxaa Mo Farah ku soo xoomay saxafiyiintii garoonka oo sawirro tiro badan ka qaatay, sidoo kale waxaa gudaha u soo galay halkii uu ku dabaal-degayay Xaaskiisa Tania oo iyadu xaamilo ah iyo gabadhooda Rihanna, kuwaasi oo damaashaadka la wadaagay.
Mo Farah oo ku dhashay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa uu dalka Britain tegay isagoo 8 sano jir ah kaddib markii ay dagaallada sokeeye ka billowdeen dalka Soomaaliya, kaddibna wuxuu ka faa’iideystay fursadihii uu ka helay Britain.
Mo Farah ma rabin in uu orodyahan noqdo, bedelkeedna wuxuu jeclaa in uu noqdo ciyaaryahan dhinaca Kubadda Cagta ah, laakin riyadaas ma rumoobin oo waxaa uu u rumowday tan orodka ee uu caawa u dabaal-degayo guusheeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
More News
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
- Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
- Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)