3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xidhibaanada inay ugu dambeyn berri oo Axad ah soo gudbiyaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

Shir jaraa'id oo guddoomiyaha guddigan Prof. Cabdullaahi Xiirey uu Muqdisho ku qabtay ayuu ku sheegay in waqtiga oo yar awgiis ay odayaasha weydiisanayaan in soo xulista xildhibaannada ay soo gabagabeeyaan berrina soo gudbiyaan.

"Odayaasha dhaqanka waxaan ka doonaynaa in ugu dambeyn berri oo Axad ah ay noo soo gudbiyaan xildhibaannada baarlamaanka cusub, waayo waxaan doonaynaa in dalkan loo sameeyo baarlamaan tayo leh," ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiireey.

Sidoo kale, guddomiyaha guddiga farsamo wuxuu xusay in odayaasha laga doonayo inay soo gudbiyaan dad ay kasoo fikireen - wax akhrin kara waxna qori kara, kana saari kara dalkan dhibaatada uu ku jiro.

"Odayaasha waxaan ka codsanaynaa inay dhowraan shuruucda ka mid noqoshada baarlamaanka cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin: inuu Soomaali yahay, inuusan wax dambi horay u gelin, in maskaxdiisu dhan tahay, inuu dugsi sare kasoo baxay iyo inuu ixtiraamo diinta Islaamka. Waana inay odayaashu ilaaliyaan saamiga haweenku ay ku leeyihiin baarlamaanka ee 30%," ayuu Prof. Xiiriye ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Sidoo kale la guddoomiyaha guddiga farsamo, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) iyadoo sheegtay inaan la ogolaan doonin in odayaashu ay soo gudbiyaan xubno aan u qalmin inay xildhibaanno noqdaan, iyadoo xustay in haddii xubnahaas loo soo gudbiyo ay ka qaadan doonaan tallaabada u dagsan.

Ugu dambeyn, Xaliimo Yarey waxay sheegtay inay 09:00 aroornimo illaa 05:00 galabnimo ee berri ay ku sugnaan doonaan xafiiskooda ayna odayaasha kala wareegi doonaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu tahay 275 xubnood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/4/2012 6:10 PM EST
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.

8/4/2012 2:15 PM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.

8/4/2012 9:24 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qabsoomi la’aanta Doorashooyinka golaha deegaanka ku eedeeyey madaxweynah Somaliland, maadaama oo ay waajib ku tahay buu yidhi inuu suurtogaliyo dhicitaanka doorashaddaasi.

8/4/2012 8:00 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.

8/4/2012 7:35 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.

8/4/2012 7:26 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.

8/4/2012 7:16 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.

8/4/2012 7:07 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

8/4/2012 5:51 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.

8/4/2012 4:55 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.

8/4/2012 3:50 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganactada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.