Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.
Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay in howagllada oo ahaa kuwo qorsheysan ay kusoo qabqabteen in ka badan 40-askari oo dhac geysanayay ayna sidoo kale ku dileen askar kale oo dhac geysanayay.
"Howgalladu waxay ahaayeen kuwo xaqiijinayay ammaanka waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana lagu dilay dhowr askari oo diiday inay hubka dhigaan, in ka badan afartan askari oo kalena waa la qabtay," ayuu yiri sarkaal u hadlay hay'adaha ammaanka ee dowladda KMG ah.
Inkastoo aan la ogeyn askarta lagu dilay howgalka tiradooda, ayaa haddana waxay howgalladan noqonayaa kuwii ugu horreeyay noocooda oo ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan waddada isku xira Muqdisho iyo Afgooye.
Howgalladan ayaa waxay imaanayaa iyadoo gaadiidleyda iyo shacabka ku safra jidakaas ay ka cabanayeen xilliyadii ugu dambeeyay cidammo ka tirsan kuwa DKMG ah oo dhac u geysanaya, iyadoo saraakiishu ay howgalkan ku sheegeen mid ay uga jawaabayeen cabashadaas.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa dhawaan ku bixiyay amar buuxa in lala dagaalamo askarta dhibaatooyinka ka wada degmada Afgooye iyo jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, balse lama oga in howgalladan ay daba socdaan hadalkaas iyo in kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
More News
- MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
- Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)