Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha gobolka Bay, C/fitaax Ibraahim Geeseey ayaa xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay saakay dhowr jiho ka weerareen degmada Qansax-dheere ayna u suuro-gashay inay xaafado degmadaas ka tirsan gudaha u galaan.
"Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada waa jiraa, balse khasaare xooggan ayaa kasoo gaaray, waxaana gudaha magaalada yaalla maydadka 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hub kala duwan oo kuwa fudud ahna waa laga furtay," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda uu kaga dhintay hal askari, isagoo aan sheegin khasaare intaas ka badan oo soo gaaartay, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu xoogga badnaa ee degmadaas ka dhaca tan iyo markii lagala wareegay Al-shabaab horraantii sannadkan.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Qansax-dheere ayaa iyaguna xaqiijiyay inuu ka dhacay gudaha degmada dagaal culus, iyagoo sheegay in xaafado ka tisran degmada lagu arkay gaadiid iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab oo aan si dhameystiran uga hadlin dagaalka ayaa wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya waxay sheegayaan in hafadkii ay ka lahaayeen ay ka gaareen weerarkii ay ku qaadeen degmada Qansax-dheere.
Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee dowladda KMG ah, Aadan Cabdi Aadan ayaa u sheegay raadiyaha ku hadla afka dowladda KMG Soomaaliya in dagaalyahannada Al-shabaab ee lagu dilay dagaalkii saakay uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray, Maxamed Isaaq Uburoow oo degmadaas u dhashay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
More News
- MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
- Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
- Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)