Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada
Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali
ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.
Hal qof oo qaraxa ku dhintay ayaa qaar kamid ah
warbaahintu ay ku sheegeen inuu ahaa naftii hure doonayay inuu isku
qarxiyo gagida milatariga ee kulaasha xaafada Islii.
Qaraxan
oo ay ku dhaawacmeen 6 qof ayaa qaar kamid dadkii goob joogayaasha ahaa
oo la hadlay warbaahinta ay ku tilmaameen inuu ahaa bam gacmeed laga soo
tuuray gaari xoog ku socday oo marayay wadada dheer ee isku xirta
qaybaha Section 2 iyo Section 3 oo ka mid ah xaafada Islii.
Dadkan
waxaa ay sheegeen in qofka dhintay uu ahaa qofkii ay haleeshay bumbadu
halka ay dhaawacyana soo gaareen dadkii goobtaas ka ag-dhawaa.
Taliyaha
ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Antonio Kibuche oo warbaahinta
la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu sheego cida sida rasmiga ah loogu
tuhunsantahay qaraxan.
Waxaana uu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cida ka dambaysay qaraxa oo uusan ka hordhici doonin.
Qaraxan
ayaa walaac ku abuuray dadweynaha xaafada Islii, iyadoo marka ay
dhacaan falalka noocaas ah, ay bilowdaan hawlgallo dadka lagu qabqabanayo
oo ay sameeyaan ciidamada booliiska ee Kenya.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya