Shir Taliyayaasha AUSSOM uga Furmay magaalada Muqdisho

Isniin, December 15, 2025 (HOL) -  Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Taliyayaasha Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee hawlgalka, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista guud ee amniga, horumarka la gaaray iyo caqabadaha weli taagan, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

Shirkan ayaa kulmiyay hoggaanka shanta qaybood ee Hawlgalka AUSSOM, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta waajibaadka hawlgalka, iyada oo la raacayo Qorshaha Hawlgalka AUSSOM, xilli ay jirto ciriiri dhaqaale oo saameyn ku yeeshay hawlgallada amni.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka shirka, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa taliyayaasha militariga iyo ciidankooda uga mahadceliyay dadaalka, geesinnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda hawlaha dawlad-dhiska, nabadda iyo xasilloonida ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Diene ayaa faahfaahiyay istaraatiijiyadda guud ee AUSSOM, oo ay ka mid yihiin ka hortagga khataraha amni ka hor inta aysan dhicin, fulinta hawlgallo wadajir ah oo lala sameynayo ciidamada amniga Soomaaliya, isku-duwidda arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dhinacyada kala duwan.

Sidoo kale, wuxuu taliyayaasha iyo ciidankooda ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay in shirku noqdo madal furan oo lagu soo saaro talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo hirgelinta waajibaadka AUSSOM.

Ugu dambeyn, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin dhaxalgal ah oo horseedi kara natiijooyin la taaban karo, kuwaas oo u qalma shacabka Soomaaliyeed una adeegaya himilada nabad waarta iyo xasillooni buuxda.