
Isniin, December 15, 2025 (HOL) - Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixinnadii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7, kuwaas oo saldhig u noqonaya go’aan-qaadasho ku dhisan xog rasmi ah.
Labadan warbixin ayaa lagu tilmaamay kuwo xoojinaya nidaamka xog-ururinta qaranka, iyagoo mideynaya xog rasmi ah oo si cad u muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira arrimaha deegaanka iyo tamarta.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in warbixinnadani ay door muhiim ah ka qaadan doonaan qorshaynta horumarka, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo hagidda maalgashiyada dalka.
Daahfurka warbixinnadan ayaa sidoo kale muujinaya horumar la taaban karo oo laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data), taas oo gacan weyn ka geysanaysa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026 ee Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Madaxweynaha Soomaaliya, Zakariye Xuseen, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in xogaha ay soo saarto Hay’adda Istaatistikada Qaranka ay door muhiim ah ka ciyaaraan dabagalka iyo korjoogteynta meelaha uu gaabiska ka jiro, isla markaana ay xaqiijinayaan helidda xog rasmi ah oo lagu gaari karo go’aanno sax ah.
Dhankiisa, Maareeyaha Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Cabdisalaan Maxamed, ayaa carrabka ku adkeeyay in xogta kasoo baxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada dalka ay tahay mid sugan oo la isku halayn karo, isla markaana aan lagu salayn mala-awaal.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Axmednuur Sheekh Maxamed, ayaa xusay in Hay’adda Istaatistikada Qaranka laga sugayo soo saarista xog dhab ah oo ku saabsan xaaladda nololeed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si loogu adeegsado go’aanno qaran oo masiiri ah.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta iyo bah-wadaagta horumarinta ayaa bogaadiyay dadaalka SNBS, iyagoo ku tilmaamay warbixinnadan kuwo taariikhi ah oo xoojinaya hannaanka xogta qaranka iyo hiigsiga horumar waara ee Soomaaliya.