
Isniin, December 15, 2025 (HOL) - Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah ku ansixiyay wax-ka-beddelka Hindise-sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kaddib dood iyo akhrin rasmi ah oo ay ku sameeyeen Golaha.
Ansixinta sharcigan ayaa ku timid cod aqlabiyad buuxda, iyadoo 29 Sanatar ay oggolaadeen, labo ay ka aamuseen, halka aysan jirin cid diidday, Sidaas ayaana sharcigu ku meel-maray.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada ka hor akhriyey warbixinta ku saabsan wax-ka-beddelka lagu sameeyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qodobada la beddelay iyo muhiimadda ay u leeyihiin nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare ayaa isla fadhigaas mar kale ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, kaas oo maray akhrintiisii saddexaad.
Ansixinta sharcigan ayaa ku dhacday 30 cod oo oggolaansho ah, hal cod oo diidmo ah, halka aysan jirin cid ka aamustay, sidaasna sharcigu ku meel-maray.
Sanatar Siciid Cabdi Xuseen, oo xubin ka ah Guddiga Caddaaladda Aqalka Sare, ayaa Golaha u soo jeediyay Akhrinta Saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta, isaga oo adkeeyay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam caddaaladeed oo waafaqsan duruufaha dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, isaga oo xusay in sharcigani uu door weyn ka qaadan doono xaqiijinta caddaalad u gaar ah da’yarta, isla markaana waafaqsan shuruucda caalamiga ah.