Booliiska Soomaaliya oo Dekada Muqdisho ku qabtay Kunteenar lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya

Isniin, December 15, 2025 (HOL) -  Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa maanta markale Dekada weyn ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay kunteenaro ay ka buuxeen waxyaabaha maanka dooriya oo gudaha loo soo gelin rabay suuqyada magaalada Muqdisho. 

Maan dooriyahaan ciidamadu ku qabteen Dekada weyn ee Muqdisho ayaa ah mid si weyn mudooyinkii dambe ugu soo kordhaayay isticmaalkiisa dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasoo ah kaniiniyo halis ku ah nolosha dadka isticmaala.

Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta u sheegay in laamaha amniga dekada Muqdisho ku qabteen hal kunteenar oo maandooriye lagu soo qariyay.

 "Waa markii afaraad oo aan soo bandhigayno maan dooriyaha dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo oo dekedda laga soo dejiyay, ganacsatada ku howlan keenista maan dooriyaha waxan leyahay ka waan tooba oo dadkiina u keena wax waxtar u leh" ayuu yiri Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise 

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in talaabo adag oo sharci ah ka qaadi doonaan dadkii keenay kunteenarkan maan dooriyaha ah ee loogu talo galay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed iyo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. 

Ugu dambeyntii Booliiska Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar kala duwan ugu soo bandhigay Dekada magaalada Muqdisho kunteenaro sida waxyaabaha maanka dooriya, waana markii afaraad oo sanadkan gudahiisa ciidamada amaanka ay ku qabtaan gudaha Dekada weyn ee Muqdisho kunteenar lagu soo qariyay maan dooriyaal halis ku ah nolosha qofkii isticmaala.