
Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Kulan wadatashi ah oo ay ku mideysan yihiin Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirrada Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa martigelisay kulanka oo diiradda lagu saaray dar-dar gelinta hir-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029), xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gurmadka abaaraha uu dalku wajahayo iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheynta horumarineed ee dalka oo dhan.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbadiisa diirrada ku saaray muhiimadda dhismaha nidaam mideysan oo hagaya qorsheynta qaranka, iyo dardargeliyo fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029).
Shirka waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad-Goboleedyada oo ay ka mid yihiin: Cali Warsame – Wasiirka Qorsheynta Waqooyi Bari, Maxamuud Cabdi Cali – Wasiirka Qorsheynta Hirshabelle, Cabdiraxmaan Axmed Xayle– Wasiirka Qorsheynta Galmudug iyo Maxamed Nuur Fanax – Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Koonfur-Galbeed.
Intii uu socday shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinta natiijooyinka Qiimeynta Muddo-Dhammaadka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ 2020–2024), iyo dulmar ku saabsan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta. Dhinaca kale, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo gudbiyeen warbixinno horumarineed, iyaga oo xusay fursadaha, caqabadaha, iyo mudnaanta sannadka soo socda.
Wasiir Beenebeene ayaa soo xiray kulanka isaga oo xusay in Wasaaraddu ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo fulinta QIQ, isla markaana la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed horumar waara oo loo dhanyahay.