
Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dood kulul ka dhaliyay sababta ay u dhacday in shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ay sanadkan oo dhan helaan mushaar saddex bilood oo keliya.
Xildhibaanada oo maanta ansixiyay miisaaniyadda Puntland ee 2026, oo gaareysa in ka badan 300 milyan oo doollar, ayaa ku ceeb ku tilmaamay in baarlamaanka sanad kasta uu meel mariyo miisaaniyad aan si dhab ah loo fulin. Waxay dalbadeen in si cad loo faahfaahiyo halka ay ku baxday xaquuqda mushaar ee shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qeybaha kala duwan.
Inkasta oo xildhibaanadu tixgeliyeen culaysyada ka dhashay dagaalka sanadkan lagula jiray Daacish, haddana waxay sheegeen inay ahayd in Wasaaradda Maaliyaddu keento xisaab-xir buuxa oo ku saabsan qarashaadkii ku baxay howlgalka Calmiskaad, maaddaama dowladdu sheegtay in kharashaadkii howlgalkaasi uu galay miisaaniyaddii guud.
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdu ballanqaadday in sanadka soo socda ay isbeddel weyn ku sameyn doonto bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada, iyagoo sheegay in dakhliga dowladda uu kordhay sababo la xiriira canshuro cusub oo la soo rogay.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo labo sano laga joogo markii dib loo doortay, ayaa si weyn loogu dhaliilay inuusan ku guuleysan bixinta joogtada ah ee mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada. Dad badan ayaa weli ka walaacsan in iyadoo Madaxweyne Deni uu u hanqal taagayo doorashada Soomaaliya ee 2026, aysan wax isbeddel ah ku imaan doonin xaaladda dhaqaale ee Puntland.
Dhanka kale, mashaariicdii ay Puntland ka heli jirtay hay’adaha caalamiga ah iyo UN-ka ayaa hoos u dhacay illaa 60%, kadib markii ay yaraadeen deeqihii caalamku ku bixin jiray Soomaaliya.