
Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qota dheer uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo horumarka ay ku talaabsatay dowladdiisa.
Madaxweye Xasan ayaa ugu horeyn sheegay in dalka waxa la haray ee dib u dhigay ay tahay siyaasad xumo iyo in siyaasiyiintu qaar wali aaminsan yihiin in qori wax lagu raadsho.
"Dalkaan waxa dib u dhigay siyaasad xumo iyo waa laga soo gudbay waqtigii qoriga laysku maquunin jiray ee wax lagu raadin jiray, waxaan leeyahay siyaasiyiinta dalkan aan wada dhisano" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha in Muqdisho haatan laga qabtay doorasho tijaabo aheyd, islamarkaana doorashadaas qabiilo is xijin jiray degmooyinka qaar ay kusoo bixi waayeen .
"Reero dhahaayay anaga degmadaan u badan cidaan anaga aheyn ma noqon karto guddoomiyaha degmada ayaa hala codeeyo marka la dhahay hal qof laga waayay inuu kusoo baxo doorashadaas, taas waxay cadeyne in siyaasadu tahay kasbasho macnaha mahan in laga badnaaday reerkaas waa inuu ku qanciyay qofka ay dooranayeen inuu ka shaqeyn doono masalaxadooda" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbaan qabiilka oo ay la jaan qaadaan dunida hormartay.