Kenya oo ka digtay hoos u dhaca dhaqaale ee howlgallada nabad ilaalin Soomaaliya


Isniin, October 20, 2025 (HOL) - Kenya ayaa mar kale walaac weyn ka muujisay hoos u dhaca miisaaniyadda loo qoondeeyey howlgallada nabad ilaalineed ee Soomaaliya, iyadoo ka digtay in ay wiiqmaan dadaallada xasillinta Soomaaliya.

Shirkii dalalka ciidamada ugu tabarucay  Howlgallada Nabad Ilaalineed ee Qaramada Midoobay (UNTCC) oo ka dhacay New Delhi, ayaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Kenya, Major General Mohamed Hassan, wuxuu kusoo bandhigay caqabadaha ay wajahaan dalalka ku tabaruca ciidamada marka dhaqaalaha la dhimayo.

newsinsideMajor General Hassan ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee Howlgallada Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM) uu dhibaato ku keenay waxtarka howlgallada isla markaana yareeyey awoodda lagu ilaaliyo guulaha dagaalka Alshabaab.

“Khibradda Kenya waxay muujisay in mustaqbalka nabad ilaalinta uusan ku xirnayn tirada ciidanka oo kaliya, balse uu muhiim yahay dib u fikirka ku saabsan xeerarka howlgallada, iskaashiga, xalalka siyaasadeed ee waara, iyo dhaqaale ku filan,” ayuu yiri Maj Gen Hassan.

Shirka saddexda maalmood socday ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare oo milatari iyo saraakiil ka socda caalamka, iyaga oo ka dooday sidii loo xoojin lahaa howlgallada nabad ilaalinta iyada oo la adeegsanayo teknolojiyadda, iskaashiga, iyo mas’uuliyadda wadaagga ah.